Sharciyada U Degsan Waaxda Booliska

Waxa aad akhrin kartaa sharciyada u degsan Waaxda Booliska oo aad ra’yigaaga ka dhiiban kartaa barta internetka ama fool ka fool.
Police officer with body worn camera

Faahfaahin

Waaxda Booliska Minneapolis (MPD) waxa ay sameyneysaa isbedel balaaran oo ku saabsan:

  • Hawlgalka, aragtida, qiimaha iyo ujeedooyinka
  • Qaar badan oo ka mid ah sharciyadiisa

Heshiiska la gaaray waxa uu:

  • Mid ku saleysan isbedelkaas dhameystirka sharciyada
  • Dhiirigelinayaa kalsooni dhex marta MPD iyo bulshada ay u adeegaan

Bulshada waxa ay fursad u heleysaa fursad ay ra’yigooda kaga dhiibtaan sharciyada booliska.

Qeybaha Sharciyada

  • Hawlgalka, aragtida, iyo qiimaha
  • Isticmaalka awood dheeraad ah
  • Sharciyada heyb sooc la’aanta iyo iilasho la’aanta
  • Joojinta, baaritaanka iyo la wareegidda

Tilmaan

Sharciyadan waxaa loo dajiyey si ay tilmaamo cad u siiyaan saraakiisha:

  • Hab dhaqanka la ogol yahay
  • Sida loo adeegsanayo
  • Sida horjoogayaasha iyo kuwa kale ay u qiimeynayaan in sharciga la raacay

Shacriyada oo fal loo rogay

  • Sharciyada la ogolaaday ayaa la gaarsiiyey Waaxda Tababarada ee MPD.
  • Sharciyadu waxa ay dhaqangal noqdaan marka tababarka la dhameystiro.
  • Shaqaalaha MPD waa in ay raacaan sharciyada.

Sharciyada Booliska ee ku saabsan baaritaanka iyo ra’yi ka dhiibashada

Buugan cusub ayaa loo adeegsanayaa in lagu ogaado sharciyada diyaarka u ah in bulshadui ra’yigooda ka dhiibtaan. Buugaan waxa uu qofku ka akhrin karaa sharciga oo ra’yi ka dhiiban karaa qeyb ka mid ah sharciyada ama sharci gaar ah.